4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2018
Madaxweynaha JFS oo shir guddoominaya shirka Golaha Wasiirrada

 

Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir guddoominayay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya, waxaana ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay Khudbad  uu kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in tilaabo wanaagsan horay loo qaaday,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay sii laba jibaari doonto Hanaanka lagu horumarinaayo Soomaaliya.

“Madaxweyne waxaan rabnaa adiga oo xafiiskaaga fadhiya in aad kumbutuutar gashid aad ogaatid wasaarad kasta halbeegyadeeda meesha ay marayaan, shacabka ay ogaadaan” ayuu yiri ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo kulanka ka qeybgalay.

Kheyre ayaa sidoo kale yiri“20 wasaaradood ayaa dakhli uruurin jirtay, maanta hal meel ayaa laga uruuriyaa, waana wasaaradda maaliyadda”.

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynuhu shir guddoomiyo kulanka kulan wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]