4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2018
Shirkad ka shaqeyn doonta soo saarista Fiisooyinka iyo Baasaboorada oo laga daah furay Muqdisho

 

Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Shirkadda TRIP Time oo ah shirkad fududeyntooda soo saarista Fiisooyinka islamarkaana qaadi doonta baasaboorrada  ayaa la daahfuray magaalada Muqdisho.

Shirkadda oo ay ku midoobeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa xafladda daah furkeeda ay ka soo qaybgaleen madaxda dowlada Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan, Agaasimaha hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha, saraakiisha booliska, madax ka socotay Wasaaradda amniga iyo xubno ka kala socday Golaha xukuumadda iyo Baarlamaankaba iyagoo soo dhoweeyay ku dhawaaqista shirakkadan oo ku soo aaday xilli aad loogu baahnaa.

Cabdi Xamiid aadan Axmed oo ah guddoomiyaha Hay’adda Trip Time ayaa sharaxay shaqada shirkaddan waxaana uu yiri.

‘’Dadka Soomaaliyeed oo aad ugu dhibtooday helista fiisooyinka iyo is aaminaadda oo yaraatay ayaa nagu qasabtay inaan dhisno shirkadan owaxaan u shaqeynaynaa bulshadda, waxaan u keenaynaa Fiisaha waddamada Soomaalidu daneeyaan iyo kuwa kale ee xiriirka lala leeyahay, waad mahadsan tihiin kasoo qeyb galayaasha Madax iyo shacab intaba’’ ayuu yiri Cabdi xamiid aadan

Waxaa kale oo hadlay Jen. Cabdullaahi gaafoow hadana ah Xildhibaan golaha Shacabka katirsan waxaa uu yiri.

‘’Shirkadan waa ay fiican tahay waayo waxa ay na baraysaa addunku sida uu yahay iyo sida Documents ka loo kala gudubsado, dhalinyaraddan iyoshirkadda Trip waxaan leeyahay dadaalkiina sii wada waa shaqo loo baahnaa tani’’

G/S Maxamed Aadan Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa sheegay in shirkadda Trip Time suuqu u furan yahay baahi badana loo qabay shaqadan ay hadda u is taageen qabashadeeda.

Samra Maxamed Ibraahim oo ah Wasiirku xigeenka Wasaaradda Haweenka, ahna Xildhibaan golaha Shacabka katirsan ayaa sheegtay in shaqo abuur ay dhalinyaradan ayku soo kordhiyeen dalka, sidoo kale ay dhowr jeer aragtay dad safar ah oo dhibaatoonaya haddii shirkadan ay jiri laheydna dhibkaas laga bixi lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga Yuusuf Cali Maxamed ayaa goobta Xafladda joogay waxaana uu sheegay in ka wasaarad ahaan ayla shaqeyn doonaan Shirkadda Trip Time.

Hay’adda dambi baarista Masuuliyiinteeda waxaa ka joogay Bishaar Axmed geedi waxaana uu balan qaaday in dhankooda ay la shqeynayaan Trip Time Shirkadda qaadista Baassabooradda iyo Soo saarista fiisooyinka.

Soomaalida ayaa markii hore waxaa ay ku dhib qabeen soo saarista fiisooyinka iyagoo waqti iyo lacag badannba uga bixi jirtay hayeeshee maanta laga bilaabo uu culeysku yaraan doono, iyadoo shirkadda TRIP time ay qaban doonto howshaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]