3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2018
Ganacsatada Wajaale oo ka qayliyey cashuur lagu soo rogay dadka dhinaca Itoobiya ka yimaadda

 

Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Ganacsatada Tog-wajaale ee dhinaca Somaliland ayaa ka qayliyey cashuur la sheegay in wasaaradda Maaliyada Somaliland ku soo rogayso qof kasta oo ka soo gudba dhinaca Itoobiya ee soo galla Wajaale in laga qaado sodon dollar.

Ganacsatadan ayaa sheegay in go’aankaasi uu xidhayo suuqi weynaa ee Wajaale ee shacabka Itoobiya wax ka iibsan jireen, waxaanay xukuumadda ugu baaqay in aanay talaabadaasi ku dhaqaaqin maadaama oo dadka wax ka iibsadaa aanay awoodi Karin inay lacagtaasi cashuurta ah ee lagu soo rogay bixiyaan.

Sidoo kale, waxay sheegeen in qofkii Paasaboor sita uun lacag laga qaado balse dadka sita Mustawaqe ama Kaadhka Itoobiya lagu dhex socdo aanay suurogal ahayn in lacagtaasi laga qaado.

“Waxaa la sheegay in maaliyaddu soo kordhisay cashuur laga qaado qof kasta oo ka Wajaale ka soo galay dhinaca Itoobiya kaasi oo laga qaadayo sodon dollar, arrintaasi waxay xidhaysa suuqa wajaale, waxa kale oo la sheegayaa in xadka Wajaale lagu xidhayo Taar oo dadka lagu kala qaybinayo, waxaanu usoo jeedinayna wasiirka Maaliyadda isku socodka dadka aan cidhiidhi la galin, dadkuna iskama bixin karaan cashuurtaasi badan”sidaas waxa yidhi Axmed Maxamed oo degan Wajaale.

Ganacsatadan Wajaale ayaa walaac weyn ka qaba cashuurtaasi dawladdu doonayso inay dadka xadka ka soo talaabaya ee Mustawaqaha sita laga qaado, waxanay ku doodayaan in dadkaasi magaalada Wajaale aanay dhaafin oo markay wax iibsadaan markiiba noqdaan.

Waxa kale oo ay sheegeen in dadka reer Jigjiga boqolkiiba sideetan laga musruufo dibada, isla markaana lacagta loo soo diro Wajaale ka sariftaan taas oo faa’iido ka helaan reer Wajaale, sidaas darteed hadii lacagtaasi lagu soo rogo uu yaraanayo dhaqdhaqaaqa suuqa Wajaale oo baryahan dambe sare u kacay,isla markaana intii maamulkii Cabdi Iley meesha ka baxay dadweynuhu aad iskugu socdaan.

Wasaaradda Maaliyadda ayaan wali ka hadal dhowaaqa shacabka reer Wajaale,haseyeeshee waxaanu isku dayey in aanu arrintaasi wax ka waydiino balse nooma suurogalin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
10/18/2018 12:35 PM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

10/18/2018 11:58 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka.

10/18/2018 11:26 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)-Ganacasatada gobolka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay shaaciyeen in ay joojiyeen dhaqaaliihii ay ku bixin jireen dib-u-dhiska waddooyinka gobolka Banaadir.

10/18/2018 9:53 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay dalka inuu ku socdo waddo wanagsan, balse dowladda hadda talada haysa ayuu ku dhaliilay ammaanka iyo sida ay u wajahday.

10/18/2018 9:36 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed waxa uu sheegay inuu ka badbaaday qorshe isaga lagu dili rabey.

10/18/2018 9:13 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa kormeer ku tagay saldhigyada ciidanka booliska iyo kuwa u tababarran sidda malitariga ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

10/18/2018 8:57 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Olole la doonayo in lagu xulu baarlamaanka Puntland xubnihii u meteli lahaa gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyey ka socda degaano kala duwan oo gobolka ka mid ah.

10/18/2018 8:04 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn militariga Mareykanka uu ka fuliyay deegaanka Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana ay sheegtay in ku dhawaad 70 dagaalyahan kaga dhinteen Al-shabaab duqeynta.

10/18/2018 6:15 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaali Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir guddoominayay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya, waxaana ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay Khudbad uu kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya.

10/18/2018 3:25 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)-Shirkadda TRIP Time oo ah shirkad fududeyntooda soo saarista Fiisooyinka islamarkaana qaadi doonta baasaboorrada ayaa si rasmi ah looga dhowaaqay caasimada Muqdisho.

10/18/2018 2:09 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Mareykanka ayaa ka dalbaday xukuumadda Turkiga in ay la wadaagto cod la sheegay in uu caddeyn u yahay in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga.

10/18/2018 1:22 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay degmada Marka looga dilay labo askari oo ka tirsanaa ciidamadooda howlgalka midowga Africa AMISOM.