4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ku dhawaad 70 dagaalyahan oo Al-shabaab ah lagu dilay duqeyn

 

Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn militariga Mareykanka uu ka fuliyay deegaanka Xarar-dheere ee gobolka Mudug, waxaana ay sheegtay in ku dhawaad 70 dagaalyahan kaga dhinteen Al-shabaab duqeynta.

Laakiin taliska Mareykanka ee Africom war ay soo saareen ayeey ku sheegeen in duqeyn Jimcihii aynu soo dhaafnay ay ka fuliyeen deegaanka Xarardheere ku dileen 60 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa u dhignaa sidan :

Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa saaxiibo caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Argagixisada Al-shabaab ku lahayd agagaarka degmada Xarar-dheere ee Gobalka Mudug.

Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku  dhawaad 70 ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso oo ay
ku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee kooxdu ku mashquulsantahay, mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku ahaa Sal-dhig ay isku uruursanayeen maleeshiyada Shabaab.

Dawladda Soomaaliya waxey u mahad-celinaysaa Bulshada deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suur-tagal noqdeen hawlgalkaan.

Dawladdu iyada oo kaashanaysaa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista weerarada kooxaha shar-wadayaasha ah ee ku hawlan in ay wax-yeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Nolol-diidka ah, sidoo kale waxey ka codsanaysaa Saaxiibada caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Argagaixisada Soomaaliya ku nuumanaysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]