Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay dalka inuu ku socdo waddo wanagsan, balse dowladda hadda talada haysa ayuu ku dhaliilay ammaanka iyo sida ay u wajahday.
newsinside"Marka waddo dheer lagu socdo caqabaddo iyo dul duleelo badan ayaa imaanaya,marka sida ay haatan wax u socdaan iyo meesha dalku ku wajahanyahay waxaa ii muuqata inay tahay mid wanaagsan." ayuu yiri Xasan Sheekh oo inta ku daray " Balse amniga ayaan isleeyahay sida ay wax u socdaan si ka wanagsan ayaa jirta."
Xasan, waxa uu qiray in horumaro kala duwan laga sameeyay tiirarka muhiimka u ah qaranimadda oo ugu horreeyo kordhinta dakhliga dowladda , isagoo ku taliyay in ahmiyad gaar ah la siiyo ammaanka.
Waxaa kalo uu carabka ku dhuftey, isagoo la hadlay idaacadda VOA-da cilaadqaadka madaxda dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka oo haatan gaarey heerkii ugu hooseeyay,waxa uu sheegay waqtigii ay jirtay dowladiisa inuu ahaa mid hagaagsan, wallow dhowr jeer uu khilaaf soo kala dhexgalay.
[email protected]