Khamiis,, October, 18, 2018
(HOL)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay degmada Marka looga dilay labo askari oo ka tirsanaa
ciidamadooda howlgalka midowga Africa AMISOM.
Afhayeen u hadlay militariga Col. Deo Akiik ayaa sheegay in ugu yaraan Laba askari looga
dilay dagaal Talaadadii ina dhaaftay ciidamada Uganda ay Ururka Al Shabaab kula
galeen magaalada Marka.
Dagaalka ayaa dhacay Talaaddadii aynu soo dhaafnay
oo dhaxmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Uganda ee qeybta
ka ah howlgalka AMISOM.
“Weerar Dhabogal ah oo ay soo qaadeen Al-shabaab
ayaa lagu dilay Laba askari oo ka tirsanaa ciidamadeena, xili uu magaalada
boooqanayay madaxweyne Farmaajo ayuu yiri afhayeenka milllateri ee u hadlay
dowladda Uganda.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha
ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya,
AMISOM iyo Al-shabaab..
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]