4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Cabdiweli Gaas " Ma jiro codsi aan ku doonayo muddo korarsi"

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi xileed ku saabsan.

Cabdiweli , isagoona arrintaasi ka hadlayay ayaa waxaa uu sheegay difaac lagu laray mansab raadin inay keenayn wax guul ah.Hadalkan ayaa waxaa uu ka sheegay magaalada Brussels ee dalka Biljamka oo soo dhowayn loogu sameeyey, waxaana uu sheegay xilka inuu yahay wax dhib ah, oo aan dheef lahayn, kaliya uu ku ciraystay.

Wuxuu codsi u direy shacabka Puntland oo u ka dalbaday inay u duceeyaan badalka habaarka oo marar badan uu sheegay inuu ka arkay barta Facebooka, waxaana uu madaxwaynaha xusay haddii loo duceeyo isaga oo Cabdi Khadar ah inuu la joogayo, isagoona jaaliyadaha kula kaftamay, haddii kalena isagoo habaaran uu la joogayo.

Doorashada madaxweynaha ayaa la filaya Puntland inay ka dhacdo bisha Jannaayo ee sannadka 2019,musharrixiinta doonaya doorashada inay ka qeybgalaan ayaa dhowr mar shaki galiyay doorashada inay xilligeeda ku dhici karto, iyagoo ku eedeynaya xukuumadda tallada heysa inay dooneyso muddo korarsi looga faaideysto xiisada ka taagan gobolka Sool.

Iman Jama, Hiiraan Online