Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay u fariisatay dacwad ka dhan ah xubin ka tirsan ururka Daacish lana sheegay in uu u qaabilsanaa duubista muuqaallada xiliyada ay xubnaha ka tirsan kooxda fulinayaan howlgalada qorsheysan sida dilalka iyo qaraxyada.
Ugu horreyn-ba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo qaatay Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin gacant ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.
Guddoomiayah Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.
Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha Daacish iyo Al-Shabaab balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.
Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo qaatay Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.
Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad ee ciidamada qalabka sida G sare Xasan Cali Shuute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.
Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha Daacish iyo Al-Shabaab balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]




