4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Muuse Biixi oo ka soo horjeestay tagistii Feysal Cali Waraabe ee shirkii Brussels

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay shirkii Soomaaliya loogu qabtay Brussels iyo sababta ay Somaliland uga maqnayd.

“Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxaa ay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay. Shirkaa waxa la yidhi waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yidhi lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga hadhaynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.”ayuu yidhi Biixi

Waxaa kale oo uu ka hadlay kulankii uu gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxaanu yidhi  “Iyadoo arrintu halkaas taagan tahay, ayaa waxa shirka tegay guddoomiyihii xisbiga UCID, maanu ogayn oo nagalamuu tashanin, waana wax inagu cusub iyo wax u baahan in dib la isaga arko, isaga iyo ciddii la socotayba amakaag bay nagu noqotay, shacbigu iyagaa waxan ilaashanaya oo ku mahadsan, xaqna waxa ay noogu leeyihiin inaanu dareenkooda ilaalino,”

 

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi waxaa u sheegay in bisha March 2019-ka la qabanayo doorashaddii golaha wakiiladda iyo deegaanka, isago xusay in labadda gole ay muddo dhaafeen duruufo jiro awgeed,isago ku adkeeyey in aanay xal noqon Karin inay iska sii fadhiyaan, haseyeeshee waxa arrintaasi shalay ka hadlay xisbiga WADANI oo sheegay in Komishanka doorashooyinka la bedelo hadii kale aanay doorashadda ka qaybgali doonin, taas oo ah caqabad weyn oo hadii aan xal loo helin  mar kale dib  u ridi karta mudadii doorashada lagu qabanayey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland