4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Hargeysa oo maanta laga furey bandhiga buugaagta ee Hargeisa International Book Bair


Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Magaalada Hargeysa waxa saaka ka furmay bandhiga buugaagta ee Hargeysa Internetional Book Fair oo sanad kasta bishan oo kale lagu qabto magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kamid ahaa marti sharaftii ka qayb-galay bandhiga furitaanka carwada buuggaagta ee Hargeysa International Book Fair.

“ Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inuu furan yahay badhiga Hargaysa International Book Fair, hawshani waxay qiimo weyn u leedahay dalkeena, intaasoo qof oo dalal kala duwan ka yimi ayaa jooga waxay markhaati ka yihiin in Somaliland tahay dal cagihiisa ku taagan oo tashaday, dad badan ayaa maanta baranaya Somaliland waxa ay tahay nabad-galyada iyo dimuqraadiyadda ka jirta.”ayuu yidhi Saylici.

Sidoo kale, waxa iyaguna ka qaybgallay marti sharaf ka kala yimid caalamka,kuwaas oo toddobaadka uu socdo barnaamijyo kala duwan daadihin doonna.

Waxa kale oo lagu soo bandhigay buugaag cusub oo sanadkii hore ku jirin, kuwaas oo dhallinyaraddu intooda badan xiiseynayey, waxaana sanad kasta dhalinyaro badani soo daabacaan buugaag ay iyagu hal abuureen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.