4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Miino lagu xiray gaari uu sitay nin hore uga tirsanaan jiray Shabaab oo Kismaayo lagu soo bandhigay

Sabti, July, 21, 2018 (HOL)-Miinadan ayay saraakiisha nabadsugidda Jubbaland sheegeen in ay ku guuleystaan in ay si nabad ah uga furan gaariga Miino loogu xiray C/laahi Sheekh Cabdi oo ahaa shaqsi hore uga tirsanaan jiray Shabaab, balse kasoo goostay, kana mid ahaa bulshada reer Kismaayo.

C/laahi Sheekh Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Miinada loogu xiray gudaha gaariga, ayna u suurogashay in uu ogaado kadib markii uu Mobile-kiisa uga dhacay kursiga uu ku fadhiyay hoostiisa, sidaa ay ugu suurogashay in uu arko Miino la dhigay kursiga hoostiisa.


Gaarigan oo ahaa nooca raaxada ayay saraakiishu soo bandhigeen, ayagoo sheegay in miinada lagu xiray ay ahayd nooc halis ah oo dhibaato geysan lahayd hadii ay qarxi lahayd.

Waa markii ugu horeeysay oo ay nabadsugidda Jubbaland soo bandhigto gaari sidan oo kale Miino loogu xiray  oo lagu guuleystay in laga furo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.