4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Doon ay saarnaayeen 160 oo ku degtay xeebaha dalka Yemen

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - Dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in Doon sida 160 ay ku degtay xeebaha Badda Shadwa ee Koonfur dalkaasi Yemen, sida laga soo xigtay hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo hay’addaha Amniga deegaankaas.

Lama oga tirsada rasmiga ah ee dhimashada iyo haddi ay jiraanba muhaajiriin lasoo badbaadiyay, sida ay ku warameeyso Wakaalada Wararka ee AP.

Doonta ayaa la sheegay in Khamiistii ka baxday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyada oo sida 100 ruux oo Soomaali ah iyo 60 ruux oo Itoobiyaan ah, oo ay ka mid yihiin Caruur iyo Haween.

Saraakiishan la hadlay AP oo diiday in magacooda la adeegsado ayaa sheegay in uusan jirin gurmad ka howl-galay sidii dadka loo soo badbaadin lahaa.

Muhaajiriinta ka baxa qaarada Africa gaar ahaan dadka u dhashay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marin ka sii dhigtay dalka Yemen oo ay hadda ka jiraan dagaalo culus galaaftay nolasha dad badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]