4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Abiy Ahmed loogu baaqay in uu xal u helo dagaaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - War ay soo saareen golaha deegaanka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo uu ku saxiixnaa duqa magaalada Jacob Frey ayaa loogu baaqay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya in uu sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabto colaada ka dhax taagan Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

Qaraarka ama Warkan ka soo baxay Golaha deegaanka magaalada Minneapolis ayaa sidoo kale faraya dowladda Itoobiya in ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan wadanka Itoobiya.

Cabdi Warsame oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in lagu marti-qaaday ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed in 30ka bishan July uu booqasho ku tago magaalada Minneapolis, waxaana uu martiqaadkan imanaya iyada oo ay jirto xiisad ba’an oo colaadeed oo u dhaxeyso dadka Soomalida iyo Oromada ee wada dega dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]