4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2018
Dad Qoys kaliya ka soo wada jeeday oo ku dhintay Doon dalxiis dalka Mareykanka

 

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) - Sagaal ruux oo ka soo jeeday hal Qoys oo kaliya ayaa la sheegay ka mid ahaayeen dad gaaraya 17 ruux oo ku dhintay Doon lagu dalxiiso oo ku qallibantay haro ku taalla gobolka Missouri ee dalka Mareykanka,sida ay shaaciyeen saraakiil ku sugan halkaasi.

Waxaa lagu waramayaa in 9 ruux ee isku Qoyska ah ay ka soo jeeda gobolka Indiana, halka kuwa kalana ay ka yimadeeny Arkansa .

Doonta qallibantay ama degtay ayaa la xusay in ay wadday 31-qof oo rakaab dalxiisayaal ah ,ka hor inta aysan waxyeello ku soo gaarin harada Table Rock oo ku dhow magaalada Branson .

Dadka dhintay ama dhibanayaashaasi ayaa da’dooda lagu kala sheegay hal sano jir illaa 76-sano jir.kuwaas oo ka kala socday afar gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Waxaa lagu waramayaa in Shan ruux oo ka mid ahaa dadka dhintay da’doodu ka yar-tahay 16 sano.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]