
Isniin,Janaayo, 29, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay badhasaabyadda goboladda waaweyn iyo afhayeenkii madaxweynaha.
Madaxweyne Biixi ayaa 11 masuul u magacaabay xilal kala duwan, waxaanay iskugu jiraan masuuliyiin xukuumaddii hore ku jiray iyo kuwo ku cusub.
Wareegtada Madaxweynuhu waxay u dhignayd sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
|
Tir |
Magaca |
Xilka |
|
1. |
Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) |
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag |
|
2. |
Xamse Maxamed Cabdi Axmed |
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer |
|
3. |
Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse |
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex |
|
4. |
Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse |
Guddoomiyaha Gobolka Awdal |
|
5. |
Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax |
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley |
|
6. |
Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim |
Guddoomiyaha Gobolka Hawd |
|
7. |
Axmed Maxamed Xaashi Ducaale |
Guddoomiyaha Gobolka Saraar |
|
8. |
Mawliid Maxamed Nuur Warsame |
Guddoomiyaha Gobolka Salal |
|
9. |
Maxamuud Warsame Jaamac Cali |
Afhayeenka Madaxweynaha |
|
10. |
Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud |
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada |
|
11. |
Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar |
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka |
[
Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.
Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland