4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Madaxweynaha Kenya oo ku baaqay in la taageero ciidamada AMISOM

 

Axad, Janaayo, 29, 2018 ( HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Uhuru Kenyatta ayaa ku taliyay in ciidamada AMISOM aan laga saarin dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkan,haddii talaabadaas lagu dhaqaaqana ay ka abuuri karto gobolka Geeska Afrika ammaan darro.

Madaxweynaha oo kula kulmay magaalada Addis Ababa Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayuu u sheegay in xasiloonida dalka Soomaaliya ay tahay furaha nabada ee geeska Afrika.

“Xasilloonida Soomaaliya waa furaha gobolka, wax kasta oo aan sameyn karno si loo xaqiijiyo horumarka ilaa hadda la gaarsiiyey waa la sii wadi doonaa” ayuu yiri Kenyatta.

Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga soo horjeeda in AMISOM laga saaro sanadkan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ciidanka Soomaaliya ee SNA aysan weli u diyaar u ahayn in ay la wareegaan amniga dalkooda.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ugu baaqo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay hubiyaan in waqtiga dhabta ah ee laga baxayo Amisom ay tahay in lagu dabagalo dib-u-eegista joogtada ah,” Ayuu yiri Kenyatta mar uu khudbad ka jeedinaayey Shirkii Midowga Afrika ee shalay ka furmay Addis Ababa.

Dowladda Kenya waxaa ka jooga Soomaaliya Kumannaan ciidan ah kuwaas oo badankood ay ku sugan yihiin Jubbada Hoose iyo Gedo, waxay gudaha Soomaaliya soo galeen iyaga oo aan haysan mandate Qaramada Midoobey ah, Balse kadib muddo kooban waxay kamid noqdeen hawlgalka AMISOM. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]