4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Ra'iisal wasaare Khayre oo ka warbixiyay kulamo uu la soo qaatay Bankiga Adduunka

 

Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Xasan Cali Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah fahain ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay saraakiisha Bankiga Adduunka, kadib markii magaalada Davos ee dalka Switzerland uu kaga soo qeyb galay shirka Dhaqaalaha Adduunka.

Wuxuu sheegay Khayre shirkan in Soomaaliya uu u lahaa ahmiyad gaar ah, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, si ay horey ugu sii socoto.

“Soomaaliya waxaa markii koowaad lagu marti galiyay shirka fagaaraha dhaqaalaha aduunka, waxayna noo ahayd fursad balaaran oo aan ku soo badhignay khayraadka dalkeena, danaheeda dhaqaale iyo sidii loo gacan siin lahaa dawladda Soomaaliya oo qaaday wadadii horumarka.

“Waxaan la kulmay madaxda Sanduuqa lacagta caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo aan kala hadlay sidii dalkeenna deymaha looga cafin lahaa, waxayna qirayn in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga cafin lahaa, ayuu yiri ra’iisal wasaare Khayre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabada ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalkeena iyo dalalka aan saaxibada nahay ee gacan qabtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]