3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Xiisad wali ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool

 

Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Ciidamada Soomaaliland ayaa wali gacanta ku haya maamulka deegaanka deegaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada, waxaana shalay halkaa ka dhacay dagaal dhaxmaray ciidamada labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada labada dhinac oo ku hubeysan boqolaal gadiidka dagaalka ah wali isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana jirta cabsi laga qabo dagaal mar kale ka dhici kara deegaanka.

Mas’uuliyiinta labada maamul ayaa maalmihii ugu danbeeyayba hawada isku marinayay erayo u badnaa hajabaado dagaal, taasoo u muuqata mid uga sii dareysa xiisada halkaa ka taagan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/29/2018 1:53 PM EST
Isniin, Janaayo, 29. 2018 (HOL) – Ganacsato iskood isku xil qaadamay ayaa ku guuleystay magaalada Beledweyne in ay dib u soo celiyaan muddo Shan bilood ah kaddib isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga, kaddib dhibaato weyn oo dhinaca nolasha ah oo lagala kulmo isticmaalka lacagaha leysaga gudbiyo Telleefoonka gacanta ee EVC Plus-ka.

1/29/2018 10:37 AM EST
Isniin,Janaayo,29, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay badhasaabyadda goboladda waaweyn iyo afhayeenkii madaxweynaha.

1/29/2018 10:27 AM EST
Axad, Janaayo, 29, 2018 ( HOL) - Boqolaal ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada Columbus Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka iyo dadyow kale oo ka socday Qowmiyadaha kala duwan ee gobolka ayaa ka soo qeyb galay xaflad lagu taageerayey Ismail Mahamed oo ah wiil dhalinyaro ah una taagan jagada Xildhibaanimo Degmada 25aad ee magaalada Columbus.

1/29/2018 9:53 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) –Kulan ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubbaland islamarkaana uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarmanka Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan ayaa xasaanadda looga qaaday Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Taajir).

1/29/2018 9:53 AM EST
Axad, Janaayo, 29, 2018 ( HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Uhuru Kenyatta ayaa ku taliyay in ciidamada AMISOM aan laga saarin dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkan,haddii talaabadaas lagu dhaqaaqana ay ka abuuri karto gobolka Geeska Afrika ammaan darro.

1/29/2018 7:06 AM EST
Axad, Janaayo, 29, 2018 (HOL)-Shir ku saabsan xasilinta amniga guud ee dalka, ayaa maanta ka furmay Xarunta Taliska ciidanka AMISOM ee Xalane, Shirkaan ayaa waxaa daah furay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

1/29/2018 5:36 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL)-Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho, kaga hadlay colaada ka jirta deegaanka Tukaraq ee ka tirsan Gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

1/29/2018 3:17 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub.

1/29/2018 1:40 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey ku hawlanayd sidii qiimo jabka ku yimid shilling-ka Somaliland kor loogu qaadi lahaa, isla markaana gabi ahaanba loo joojin lahaa lacagta qalaad ee dollarka ee Mobilidda lagu isticmaallo.

1/29/2018 1:35 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Wararka ayaa sheegaya in aroortii Isniinta weerar lagu soo qaaday Jaamacadda Gaashaandhigga Qaran ee Sarreeye Gaas Fahim.

1/29/2018 1:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Guddiga madaxa–bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay qaban doonaan Doorashada dhamaanba Kuraasta kale ee ka dhiman Golaha Shacabka.

1/29/2018 1:14 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Xasan Cali Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah fahain ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay saraakiisha Bankiga Adduunka, kadib markii magaalada Davos ee dalka Switzerland uu kaga soo qeyb galay shirka Dhaqaalaha Adduunka.

1/29/2018 1:04 AM EST
Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL)–Taliyaha guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle ayaa dhowaan lagu wadaa inuu wareejiyo xilka uu hada hayo, maadaama uu gaba gabo ku dhow yahay qorshihiisa xil heynta ee loogu tala galay.