4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Baarlamanka Jubbaland oo xasaanadda ka qaaday mudane ka tirsanaa Baarlamanka

Dhexda: Xil. Axmed Taajir

Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) –Kulan ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubbaland islamarkaana uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarmanka Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan ayaa xasaanadda looga qaaday Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Taajir).

Gudiga xeerka iyo anshaxa ee baarlamanka ayaa mudaneyaasha ka hor aqriyay warqad ay soo qoreen oo ay ku eedeeynayeen Xildhibaanka in uu jabiyay xeerarka u yaal baarlamanka, ayagoo sheegay in uu ku kacay ficillo abuuri kara qalqal siyaasadeed iyo kicin shacab.

Xildhibaankan ayaa maalmihii u danbeeyay u ololeynayay Mooshin ka dhan ah golaha wasiirada Jubbaland, isagoo bartiisa Facebooka soo dhigay Warqad ay ku saxiixnaayeen ilaa 31 Mudane oo ay Mooshin uga gudbinayaan golaha wasiirada Jubbaland.

Gudiga xeerka iyo anshaxa ee baarlamanka ayaa mudaneyaasha ka hor sheegay in xildhibaannada lagu qoray warqadda Mooshinka looga keenay golaha wasiirada ay ahaayeen kuwo been abuur ah, sidaa darteedna ay xasaanadda ka qaadeen.

Gudoomiyaha baarlamanka Jubbaland Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan ayaa sheegay in uu aqbalay go'aanka gudiga uu xasaanadda uga qaaday xildhibaanka.

Xildhibaan Axmed Taajir oo shabakadda HOL ay xiriir la sameeysay ayay inoo suurogali weeysay in aan ka helno faahfaahin ku saabsan go'aanka ka dhanka ah ee kasoo baxay baarlamanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.