Axad, Janaayo, 29, 2018 ( HOL) - Boqolaal ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada Columbus Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka iyo dadyow kale oo ka socday Qowmiyadaha kala duwan ee gobolka ayaa ka soo qeyb galay xaflad lagu taageerayey Ismail Mahamed oo ah wiil dhalinyaro ah una taagan jagada Xildhibaanimo Degmada 25aad ee magaalada Columbus.
Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo ku aadan u
tartamida Ismail Mohamed jagada xildhibaanimo Culumaa’udiin,Aqoonyahano,
Dhamaan dadkii ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday sida ay lagama maarkaanka u tahay in bulshada deegaanku ay helaan qof uga wakiil noqda Dowlada si ay u helaan adeegyada aasaasiga ee ay helaan dadka la mid ah islamarkaana codkoodu uu u noqdo mid la maqlo.
Qaar ka kid ah ka soo qeyb galayaasha Xaflada oo ka jawaabay su’aalo ay ka mid ahaayeen in Ismail Mohamed uu yahay qof ku haboon in uu xilkaan qabto ayaa sheegay in uu yahay shaqsi ay codkooda ku aamini karaan uuna la jaan qaadi karo Siyaasada dalkan Mareykanka maadaama uu yimid isagoo yar islamarkaana uu wax ku bartay dalkan.
Ismail Mohamed oo dhanka kale ah Garyaqaan ayeey dadku u arkaan in uu yahay shaqsi Wakiil ka noqon karo Bulshada gaar ahaana Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolkaan ku nool oo ay la soo darsaan dhibaatooyin kala duwan sida in qaar ka mid ah Qoysaska laga qaato caruurtooda,in maxkamadaha ay ka waayaan Garyaqaano ay ku kalsoon yihiin,iyo in ay xaquuqdooda ku waayaan sharciga dalkaan oo aysan aqoon badan u lahayn.
Is-diiwaan galinta doorashadan ayaa bilaaban doonta 10ka bisha April ee soo socota waxaana ay ku egtahay 8da bisha May ee isla sanadkaan.










