4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Xukuumadda Somaliland oo go’aamo ka soo saartay qiimo dhaca ku yimid Shiling-ka Somaliland

 


Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey ku hawlanayd sidii qiimo jabka ku yimid shilling-ka Somaliland kor loogu qaadi lahaa, isla markaana gabi ahaanba loo joojin lahaa lacagta qalaad ee dollarka ee Mobilidda lagu isticmaallo.

Labaddii sanadood ee u dambeeyey ayaa sicir bararka xaga lacagta oo sababay qiimo dhac weyn oo uu ku keenay shilling Somaliland, taas oo cidhiidhi galisay noloshii danyarta.

Waayaddii hore boqolka dollar waxa lagu sarifi jirey toddobo boqol iyo konton kun oo Shiling Somaliland, halka uu maanta boqolkii dollar ka marayo Milyan iyo labaatan kun oo Shiling Somaliland.

Waxaanay xukuumadan cusub markiiba u saartay guddi soo baadha waxa sababay qiimo jabkan ku yimid Shiling Somaliland, waxaanay kulamo la yeesheen jaamacadaha dalka iyo shirkadaha saameynta ku leh dhaqaalaha ee lagu eedeeyo inay sabab u yihiin, taasina waxay keentay in go’aamo laga soo saaro sidii lacagta wadanka kor loogu qaadi lahaa.

Go’aamada laga soo saaray oo aan wali si rasmiya loo shaacin oo nuqul ka mid ah ay heshay HOL ayaa loo gudbiyey shirkadaha ganacsiga ee ay khuseyso si go’aankaasi u meel mariyaan.

Qoraalada shirkadaha loo gudbiyey waxa ka mid ahaa sidan:

Waxaanu noo hirgashay inaanu arin muddo nagu daba dheeraatay Qodobo dhawr ah ka soo saarno :

waana arinta sixir bararka ka jira dalka :

1: In Cashuurta laga qaado qaadka/jaadka wixii ka dambeeya 27/1/2018 laban laab intii hore lagu cashuuro qaadka .

2: In shirkadaha Isgaadhsiinta Zaad iyo Edahab Wax 100$ kayar lagu diri karin

Dhanka kale shilin Somaliland ta waxba iskama badalin waa sidii horre .

3: in Banka dhexe ee Soomaaliland gabi ahaanba sarifka lacagaha qalaad lawareegi doono .

Sidoo kale, waxa iyadana go’aan sidan oo kale ah loo gudbiyey shirkadda maamusha Dekadda ee DP Wolrd oo lacagta ku kaydsan jirtay bangiyo gaarka loo leeyahay ayaa amar lagu siiyey inay ku kaydsato lacagteedda Bangiga dhexe.

Go’aamadan waxay si toos ah u taabanayaan shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Dahabshiil oo isagu isticmaala lacagta mobileka lagu shubto iyo sarifka lafteedda, taas oo aanay ka raali ahayn balse lagu qasbay inay go’aankaasi fuliyaan.

Sanadkii hore bishan oo kale ayey xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo isla go’aamadan ka soo saartay ay wax kaga qabanaysay sicir bararka, haseyeeshee waxa ka hor yimid oo qaadacay shirkadaha waaweyn, kuwaas oo go’aankii xukuumadda fashiliyey.

Haseyeeshee xukuumadan cusub ayaa u muuqata inay shirkadaha ku qancisay inay fuliyaan go’aamadan oo xal u noqonaya qiimo jabka shilling Somaliland.

Dhinaca kale, waxa maalmahan cashuurtii lagu kordhiyey jaaadkii, taas oo kor u qaaday qiimihii la kala siisanayey, waxaana arrintaasi aan wali ka hadal shirkadaha Jaadka oo u arka in cashuur badan lagu soo rogay.

Sidoo kale, shirkadda Telefoonada ayaa iyaguna ka gaws qaniinay go’aankan iyaga saamaynaya oo ah in boqol dolar wixii ka yar aan mobilada lagu isticmaali Karin lacag dolar ah, balse la isicmaalo lacagta wadanka.

Guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan danyarta ayaa soo dhoweeyey go’aamadan sicir bararkii nolosha cidhiidhiga ah galiyey wax lagaga qabanayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland