3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Dagaal caawa ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen.

Dagaalkan oo dhacay maqribnimadii caawa ayeey Al-shabaab ku bartilmaameedsadeen saldhig-yada ciidamada ee bartamaha magaalada, waxaa intaa kaddib magaalada oo dhan laga maqlay hugunka rasaasta ay weydaarsanayeen Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha degmada Marka Xasan Macalin Cumar oo hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarkan laga war-hayay sida daraadeed ciidamada dib isaga caabiyeen xoogagga weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee guddoomiyaha ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Marka oo ah magaalo istiraaji ah ayaa sanadihii ugu danbeeyay-ba magan u noqontay dagaalo waji badan oo isugu jira kuwo Qabiil iyo dirirta u dhaxeysa Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/29/2018 5:04 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Wararkii ugu danbeeyay ee Hiiraan Online ka soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dad u muuqda burcad abaabulan weerar ku qaadeen ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee magaalada Johannesburg .

8/29/2018 12:23 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya iyo dad kale oo ay ka mid qof dumar ah ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada sare ee dalka Itoobiya.

8/29/2018 10:44 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

8/29/2018 10:32 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)-Shan Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen 10 kalana ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay la socdeen qarax miino lagula eegtay meel aan ka fogeyn magaalada Lamu.

8/29/2018 9:19 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Golaha deegaanka degmada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa duqa degmada iyo guddoomiyaha golaha u doortay,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ah ganacsade iyo xildhibaan hore.

8/29/2018 7:22 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Saraakiisha Mareykanka sheegtay inay duqeyn ku dileen saddex ka mid dagaalyahanada ururka Alshabaab.

8/29/2018 3:45 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay degan kaddib rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

8/29/2018 1:59 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qalab ay ganacsatada u qaybin doonto oo ay kala socon doonto adeega ay bixiyaan iyo cashuurta ku waajibtay.

8/29/2018 1:14 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa lagu soo oogay eedo musuqmaasuq. Philomena Mwilu waa sarkaalkii ugu sarreeyey ee dawladda ka tirsan ee ololaha musuqmaasuq la dagaalanka ah ee uu wado dacwad oogaha guud ee cusubi uu gaadhay.

8/29/2018 12:52 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Tan iyo markii ay dhaceen rabshadihii siyaasadeed ee keenay in ay dhacdo xukuumadii hore ee dowlad deegaan-ka, waxaa si is daba joog ah u soo baxayay warar sheegayay in dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya dabacsan tahay in la kala diro gabi ahaan-ba ciidamada Liyuu Booliiska ee ka howlgala dowlad deegaanka Soomaalida.