3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Xariga gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare oo la sheegay in uu yahay mid siyaasadeysan

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) – Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa lagu soo oogay eedo musuqmaasuq, Philomena Mwilu waa sarkaalkii ugu sarreeyey ee dawladda ka tirsan ee ololaha musuqmaasuq la dagaalanka ah ee uu wado dacwad oogaha guud ee cusubi uu gaadhay. 

Waxa laga qabtay xarunta Maxkamadda Sare gelinkii dambe ee Salaasadii, hase yeeshee waxa saacado ka dib lagu sii daayey damaanad lacageed.

Haweenaydan ah qofka labaad ee ugu sareeya garsoorka Kenya ayaa haatan waxa lagu soo oogay eedo falal dambiyeed ah. Waxaana ka mid ah in ay xurmada xafiiskeeda u adeegsatay dano shakhsi oo ay lacag hadyad ah qaadatay iyo sidoo kale in aanay cashuurta bixinin.

Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji, ayaa sheegay in go'aankaasi aanu ahayn mid lagu degdegay. Waxaanu ganafka ku dhuftay eedo ah in dacwadaha gudoomiye ku xigeenka lagu soo oogay yihiin kuwo siyaasadaysan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa markii Maxkamadda Sare burisay guushiisii doorashadii sannadkii hore dalka ka dhacday ee aadka loogu murmay, waxa uu ku hanjabay inuu garsoorka wax ka bedeli doono. Nin kaaliye u ahaa Philomena Mwilu ayaa isna markii xiisaddaasi jirtay la toogtay lamana garan waxa kalifay shilkaa waagaas.

BBC













Click here
8/29/2018 5:04 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Wararkii ugu danbeeyay ee Hiiraan Online ka soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dad u muuqda burcad abaabulan weerar ku qaadeen ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee magaalada Johannesburg .

8/29/2018 4:08 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen.

8/29/2018 12:23 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya iyo dad kale oo ay ka mid qof dumar ah ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada sare ee dalka Itoobiya.

8/29/2018 10:44 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

8/29/2018 10:32 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)-Shan Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen 10 kalana ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay la socdeen qarax miino lagula eegtay meel aan ka fogeyn magaalada Lamu.

8/29/2018 9:19 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Golaha deegaanka degmada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa duqa degmada iyo guddoomiyaha golaha u doortay,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ah ganacsade iyo xildhibaan hore.

8/29/2018 7:22 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Saraakiisha Mareykanka sheegtay inay duqeyn ku dileen saddex ka mid dagaalyahanada ururka Alshabaab.

8/29/2018 3:45 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay degan kaddib rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

8/29/2018 1:59 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qalab ay ganacsatada u qaybin doonto oo ay kala socon doonto adeega ay bixiyaan iyo cashuurta ku waajibtay.

8/29/2018 12:52 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Tan iyo markii ay dhaceen rabshadihii siyaasadeed ee keenay in ay dhacdo xukuumadii hore ee dowlad deegaan-ka, waxaa si is daba joog ah u soo baxayay warar sheegayay in dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya dabacsan tahay in la kala diro gabi ahaan-ba ciidamada Liyuu Booliiska ee ka howlgala dowlad deegaanka Soomaalida.