4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Askar Kenyaan ah oo lagu dilay Qarax miino

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) - Shan Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen 10 kalana ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay la socdeen qarax miino lagula eegtay meel aan ka fogeyn magaalada Lamu.

Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay xilli ay ciidamadu ku gudo jireen gargaar ay biyo ugu dhaaminayeen dad rayid ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamadan bartilmaameedsaday qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka waday deeganka Linda Boni oo ka mid ah dhulka keynta ah oo ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

Kenya ayaa qaraxa sheegtay in ay ka danbeeyeen ururka Alshabaab oo sidan oo kala weerarro lagu dilay Askar Kenyaan ah sheegatay.

Kenya ayaa la daalaa –dhaceysa iska caabinta weerarro joogta ah oo uga imanaya Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Kenya, iyadoo dhinaca kalana ciidamada Kenya qeyb ka yihiin howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]