4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Beledweyne

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) – Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay degan kaddib rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wada hadalo xiisada lagu qaboojinayo ayaa ilaa iyo xalay lagu waramayaa in magaalada ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka iyo qaar ka mid ah waxgaradka magaalada, waxaana uu qof goobjooge ku sugan magaalada ayaa Hiiraan Online u sheegay in saakay dib loo furay dariiq-yadii xirnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Xiisadan ayaa ka dhalatay dil maalin ka hor bartamaha magaalada loogu geystay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku shaqeysta gaadiidka Mooto Bajaajka, kaddib markii uu toogasho ku dilay askari ka tirsan cidamada Booliiska.

Ehelada marxuum-ka aya ku doodday in loo soo gacan galiyo askariga dilka geystay oo ku xiran saldhigga magaalada Beledweyne, taasoo keentay in iska hormimaad uu dhaxmaro maleeshiyaad hubeysan oo ku heyb ah marxuumka la dilay iyo ilaalada saldhigga Booliiska Beledweyne oo uu ku xiran yahay askariga dilka geystay.

Rabshadihii shalay magaalada ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay saddex ruux , sidoo kale isbitaalka ayaa la dhigay dad dhaawacyo qabo.

Saakay ayaa lagu aasay magaalada alle ha u naxariisteen Yaasiin Cali Saney iyo, dadkii kale ee shalay ku dhintay rabshadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]