
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya iyo dad kale oo ay ka mid qof dumar ah ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada sare ee dalka Itoobiya.
Dadkan maxkamada la soo taagay ee uu ka mid yahay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku eedeysan ku xadgudub Xuquuqda Aadanaha iyo waliba kicin dad-weyne oo ka dhashay rabshadaha ilaa imika ka taagan qeybo ka mid ah Itoobiya.
Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaaliya ayaa 27kii bishan aynu ku jiro fadhi ay ku yeesheen magaalada Jigjiga waxaa ay xasaannadii uga qaadeen madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaaliya.
Maxkamadeyntiisa ayaa u muuqata mid la mariyay nidaamkii caadiga ahaa Midaniga inkastoo aan la ogeyn in loo ogolaaday qarreen iyo in kale.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa madaxweynihii ugu
waqtiga iyo muddada dheeraa ee soo mara dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana la
sheegaa in uu ahaa nin awood badan marka loo eego madaxweynayaashii isaga ka
horeeyay, gaar ahaan waxaa uu gacan saar wanaag-san lahaa xukuumaddihii ka
horeeyay tan hadda jirta oo ay hormuudka u ahaayeen Tikreegu, balse waxaa uu ku
haftay mowjadaha siyaasada nidaam-kan cusub ee ra’iisal wasaare
Abiy Ahmed oo ahaa kuwo xowli badan ku socday.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]