4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) – Saraakiisha Mareykanka sheegtay inay duqeyn ku dileen saddex ka mid dagaalyahanada ururka Alshabaab.

Qoraalka soo baxay taliska Milatariga Maraykanka ee qaarada Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel u jirta magaalada Muqdisho 40km.

“Hadda waxeynu qiimeyneynaa in aysan dad rayid ah waxyeelo ka soo gaarin duqeyntan oo ka dhacday meel ka xigta 40km dhinaca Koofur Galbeed magaalada Muqdisho.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada Maraykanka u qaabilsan qaarada Afrika.

Horay sidan oo kale Mareykanka ayaa duqeymo waxa ay ugaga geysteen deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya iyadoo qaar kamid ah duqeymaha ay geysteen ay wax-yeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]