4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2017
Minnesota, Xus loo Sameeyay dadkii ku dhintay waxyeeladii Muqdisho 14 Oktoobar.Video

Talaado, Octobar,17,  2017 (HOL)-Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Gobalka Minneosta ayaa ahaa mid looguna duceynayay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maaalintii sabtida ka dhacay magaalada Muqdishu

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Keith Ellison oo ah mudane ka tirsan Golaha Cogresska ee dalka Mareykanka, lagana doorto gobolka Minneosta, xubno ka tirsan Aqalka Wakiilada ee gobalka MN, Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges, iyo dhamaan dadka kala duwan ee dagan Minnesota.


Mr. Keith ayaa yiri inkasta oo aan rumeysa nahay haddii aan Muslimiin nahay in qof kastaa uu geeriyoonayo hadana dadkii faraha badnaa ee lagu laayay  qaraxii murugada lahaa ee  ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uu ahaa mid aan aad uga xumaanay, Keith Ellison ayaa sheegay in kuwii ka danbeeyay Qaraxa ay u jeedadoodu ay aheyd in ay bulshada cabsi ku beeraan, balse ay muhiim tahay in aanan fursad loo siin in laga cabsado falalkooda argagixisanimo,Soomaaliyana umaistaagayso waxii dhacay waayo waxay hore ugu soo adkaysatay Abaaro iyo colaado ka horeeyay, wayna si taagnaan doontaa.

Duqa Magaaladda Betsy Hodges ayaa sheegtay inay la qaybsanayso muragada iyo xanuunka dadka Soomaaliyeed ee dagan Minnesota iyo Minneapolis,waxaa loo baahan yahay in la garab istaago dhibanayaasha ayey tiri Betsy.

Qaraxii sabtida oo ay ku dhinteen dad gaaraya 281 qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, ayaa gobalka Minnesota si dhow looga dareemay, ka idb markii la xaqiijiyay in dadkaasi uu jiray Axmed Ciyoow oo ka mid ahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee mudada degenaa gobalka ..

Mas’uuliyiintii iyo bulshadii goobta isugu yimid ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii ee Sabtidii, waxaana Xildhibaan Ihaan Cumar oo la hadleysay HOL ay sheegtay in ay la murugooneyso guud ahaan umadda Soomaaliyeed khaasatan dadkii ay masiibada qaraxu saameysay,waxaana diyaar u nahay inaan caawino dadkaas .

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,MN