4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Afhayeenkii wasaarada Amniga xukuumada Soomaaliya oo is casilay

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL)- Wareysi kooban oo uu siiyay warbaahinta gudaha ayuu ku sheegay Afhayeenkii wasaaarada Amniga gudaha Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) in uu xilkaa isa casilay.

Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd sababta uu isku casila ayuu sheegay in uusan u jeedin hormar dhinaca Amniga oo dalka laga sameynayo, isaga oo intaa ku daray in  mar walba uusan ka dul hadli Karin shacab la gumaadayo waa sida uu hadaalka u dhigay.

Wuxuu kaloo inoo sheegay Axmed Carab in hada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland, halkaasi oo markii horeba uu ka yimid.

Siyad Carab ayaa is casilaadan uga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Jubbaland oo markii horeba uu  ka yimid.

29-kii April ee sanadkan wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Afhayeenka Wasaarada Amniga waxaa loogu magacaabay Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Axmed Carab) iyadoo xilkaasi laga qaaday C/Kaamil Macalin Shukri.

Is casilaada Afhayeenkii wasaarada Amniga gudaha ayaa imanaya kaddib qaraxii galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah oo Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]