4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Shaki laga qabo in ay jiraan dad nool oo ku hoos jira dhismayaasha ku bur buray qaraxii Isgoyska Zoobe

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL) –Waxaa soconaya gurmad xooggan oo laga wado goobtii uu qaraxa ka dhacay Sabtidii todobaadkan ee Isgoyska Zoobe, waxaana soo baxaya shaki laga qabo in ay jiraan dad nool ku hoos jira dhismayaasha bur buray.

Shaqaalaha gargaarka deg deg ayaa sheegay in ay qabaan rajo weyn oo ah in la helo dad nool oo ku hoos jira dhismayaasha bur bursan kaddib markii meelaha qaar laga maqlay dhawaaq u eg dad caawinaad dalbanaya.

Sidoo kale dad badan oo eheladooda ku waayay qaraxan ayaa war farxad leh ku tilmaamay in ay jiri karaan dad ka samatabaxay qaraxa oo ku dhax xayiran dhismayaasha isku dul bur buray.

Qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolasha dad ka badan 276 ruux halka tiro ka badan 300 oo ruuxna ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]