4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo uga mahad celiyay dowladda Turkiga gurmadkooda caafimaad

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga gurmadka deg deg ah oo markiiba ay u fidiyeen dadka ay wax yeellada ka soo gaartay qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka sheegay in dhamaal tacsi ah uu ka sido madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan iyo ra’iisal wasaare Bin Cali Yildirim, isaga oo Yiri’’ Waxa aan halkan u timid si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]