Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Waa talaabo dhinaca Xawillaada
iyo isku gudbinta lacagaha oo horay loo qaaday iyadoo Bankigan Western Union
uu noqonayo Bankigii ugu horeeyay ee noociisa oo laga hergaliyo dalka
Soomaaliya marka laga soo tago shirkadaha
kale ee Xawaaladaha ka shaqeeya.
Bankiga oo ka howlgala dhamaan daafaha Aduunka ayaa markii
ugu horeysay waxaa uu hadda si toos ah uga shaqo bilaabay magaalada Muqdisho oo
laga hergaliyay labo xarumood oo waaweyn, kuwaa oo dadku si toos ah uga qaadan
karaan lacagaha ay ugu soo diraan Eheladooda kala jooga dhamaan dunida
daafaheeda.
Xarunta koowaad ee Bankiga ayaa laga hergaliyay waddada Maka
Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ah waddo aad u mashquul badan islamarkaana
uu ka socdo ganacsi ballaaran, halka xarunta labaad ee Bankiga laga furay
taallada Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne.
Soo diraha iyo qaataha lacagta xawaalada Bankiga Western Union
ayaa looga baahan yahay sida ay Hiiraan Online u sheegeen maamulka Bankiga
Aqoonsi ID Card, iyadoo hadda lacagaha
ugu badan ee lagu soo dirayo Bankigan ay ka imanayaan dalalka USA, Canada, UK, France, Italy, Turkey, Denmark, Norway,
Finland, Sweden, Netherlands, South Africa, Kenya, Egypt, UAE and Oman.
Bankigan ayaa sidoo kale ka howlgala
inta badan wadamada ku yaala Qaarada Africa, gaar ahaan dowladdaha dariska la
ah Soomaaliya, waxaana furitaanka Bankiga siweyn u soo dhaweeyay dadka reer
Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]