4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Dibadbaxyo looga soo horjeedo weerarkii Muqdisho oo ka dhacay Kismaayo [Sawirro]


Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Dibadbaxyadan oo ahaa kuwo looga soo horjeeday weerarkii ka dhacay Muqdisho ee ay ku le'deen boqollaalka qof ee shacabka ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururrada bulshada rayidka ah ee Kismaayo, ayadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen madax ka tirsan Jubbaland.

Dibadbaxa oo kamid ahaa kuwii ugu weynaa ee ka dhaca Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay ardeyda wax ka barata Dugsiyada waxbarasho ee Kismaayo iyo bulshada qeybaheeda kale.

Dadka dibadbaxa dhigayay oo sitay boorar ay ku xardhanaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen dareenkooda ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid ahaayeen; "Al-shabaab ha dhacdo" iyo "Dooni Meeyno dowlad diid".

Dibadbaxayaasha ayaa socod ay kusoo mareen wadooyinka magaalada kadib isugu tagay fagaaraha weyn ee loo yaqaan Olombic, halkaa oo ay kula hadleen masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa iyaga oo ay caro ka muuqato sheegay in ay garab istaagi doonaan dowladdooda, islamarkaana ay ka go'antahay in ay la dagaalamayaan Al-shabaab.

Masuuliyiinta maamulka degmada Kismaaiyo iyo saraakiisha Nabadsugidda Jubbaland oo dadweeynaha la hadlay ayaa ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, oo ay ku eedeeyeen in ay masuul ka yihiin dhibaatooyinka loo geeysto shacabka.

Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere), gudoomiyaha baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan oo iyaguna madasha khudbad ka jeediyay ayaa shacabka ku booriyay in ay garab istaagaan dowladda, islamarkaana ka qeybqaataan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale, dibadbaxyo kuwan lamid ah ayaa ka dhacay magaalada Luuq, halkaa oo boqollaal shacabka degmadaasi ku dhaqan ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada, ayagoo sitay calanka Soomaaliya iyo hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.