4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Dhakhaatiir ka yimid Jabuuti oo howlgal caafimaad ka bilaabaya maanta magaalada Muqdisho

 

Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Xusseen Axmed Gadiid oo ka mid ah dhakhaatiir ka timid dalka Jabuuti ayaa sheegay in maanta ay ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho gurmad caafimaad oo ay u sameynayaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho.

Dr Gadiid ayaa sheegay in dhakhaatiirtan ka timid Jabuuti ay u badan yihiin kuwo ku taqasusay Jajabka lafaha iyo gubashada jira iyo daweynnta dhaawacyada kale ee wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada noocan oo kale ah.

Dhakhaatiirtan ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka caafimaadka dalka Jabuuti kuwaa oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa ay ku biiri doonaan Dhakhaatiir iyaguna ka socda dalka Turkiga oo u yimid magaalada Muqdisho in ay ka qeybqaataan gurmadka caafimaad ee loo sameynayo dhaawacyada tan dhaafka ah ee ku jira isbitaallada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]