Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay daahfurka sahaminta shidaalka ka socda gobolada Bariga
Axad, Maarso ,26 , 2017 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland
Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku jooga goboladda bariga ayaa saaka
hiirtii waabari socdaal ku maray deegaanadda laga wado sahaminta Shiidaalka iyo
macdanta ee Togdheer, ka dibna dib usu soo laabtay magaaladda Burco oo uu kaga
qaybgalayey daah furka bilowga sahaminta shiidaalka oo maalmahan ka socday
goboladda qaar.
Madaxweynaha ayaa markii uu booqday deegaanada uu ka
socdo sahaminta shiidaalka ayaa uga mahad naqay wasiirka Macdanta iyo Tamarta
oo markii u horaysay hirgelisay in la helo qalab lagu baadho khayraadka uu ka
mid yahay shidaalku, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay dadweynaha
deegaamada laga wado sahaminta shidaalka oo si wanaagsan ula shaqeeya
wasaaradda iyo farsamo yaqaanada ku hawlan sahaminta shidaalka.
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay sahaminta Shiidaalka oo
uu sheegay in loo baahan yahay in dadka deegaanka shaqadan laga wado wixii
shaqo ee ka soo baxa laga hawlgaliyo, waxaanu si adag uga hadlay in la
carqaladeeyo oo la isku dayo in shaqadda la joojiyo.
“Milgo iyo maamuus weyn ayay Madaxweyne ahaan ii
tahay, in aan idinkala soo qayb galo, xafladdan lagu daah furayo, bilawga
sahaminta shidaalka dalka. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah
uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada
Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag.”ayuu yidhi madaxweynuhu.
Madaxweynuhu wuxu sheegay inay soo dhoweynayaan
dhaliilaha, waxaanu yidhi “Waxaannu nahay xukuumad bisil, oo ay ku duugan tahay
dulqaad, dad-wad, waayo-aragnimo iyo waayeelnimo. Sidaa darteed, waxaan soo
dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee runta ku dhisan, iyo toosinta wax lagu
dhisayo ee maamulkayga loo jeedinayo. Aniga oo mabaadiida aan aaminsanahay ka
duulaya, waxaan diyaar u ahay in aan
saxo wixii qaladama, waxaana la yidhi "Qalad waa markii la qabto".
Dhinaca kale, waxaan ixtiraamayaa aragtiyaha ka soo horjeeda, hayaanka horumarka
iyo higsiga himilada qarankan, aan hoggaankiisa hayo. Waxaannu xurmaynaynaa,
xuquuda iyo xoriyaadka muwaadiniinta. Waxaan caddaynayaa in aanay jirin, isla
markaana jiri doonin cid lagu cabudhiyo, ama lagu ciqaabayo fikirkiisa qof
ahaaneed.”
“Waxaan u digayaa, cid kasta oo isku dayda in ay
abaabusho khal-khal iyo rabshado lagu wax yeelaynayo amniga, nabadgelyada iyo
midnimada ummadda Waxaan sida cadceeda u
cadaynayaa, in aan dawladaydu u dulqaadan doonin, dibindaabyada dalka iyo
dembiyada abaabulan ee qarankan lagu duminayo. Arrintani waxay ka mid tahay
xilka iyo waajibaadka i saaran Madaxweyne ahaan, ee la ii doortay. Sidaa
darteed, far waaweyn oo aan gabasho lahayn baan ku qorayaa.”ayuu raaciyey
hadalkiisa.
Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dib
udhaca doorashadda oo wadamada beesha caalamku ku dhaliileen xukuumadda inay
dhawr dib u dhacday taasina ay keentay inay ka cadhoodeen dib u dhaca soo noq
noqday eek u yimid doorashadda.
“Sida aynu la wada soconno, dib-u-dhac ayaa ku yimi
Doorasahadii Madaxtooyada ee inoo qorshaysnayd 28/03/2017, oo ay maanta inaga
xigto 2 cisho. Xaqiiqdii, aad ban uga xumahay, dib-u-dhaca ku yimi
doorashooyinkii Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.
Madaxweyne ahaan, ma jiro cid iga jeclayd in doorashadu qabsoonto xilligii loogu
talo galay. Xiiso iima hayo, xikmadna uma arko, in aan kursiga sii fadhiyo,
wakhti ka baxsan muddo xileedkii la ii doortay, isla markaana muddo kordhin
marba la ii sameeyo. Mansabkan aan
qaranka u hayo, waxaan ku imi si maamus leh, waxaanan jecelahay in aan kaga
tago si sharaf iyo xarrago leh. Waxaan shacbigayga u caddaynayaa, in arrintani
aanay ku iman xeelad siyaasadeed, oo ay xukuumadaydu ka dambaysay. Dib u
dhacan, waxaa keenay, abaarta ba'an ee inagu habsatay.Muddo kordhintani, waxay
ka mid ahayd go'aammadii iigu adkaa, shakhsi ahaan, ee isoo maray muddadii aan
talada dalka gadhwadeenka ka ahaa. Sidoo kale, waxay ka mid tahay, arrimaha
culus ee aan marar badan, ka fekiray tan iyo intii aan hano-qaaday. Aniga oo
arkayay duruufta adag ee dadkayga haysata, haddana si aan uga hortago
dib-u-dhac ku yimaadda doorashada, waxaan isku dayey, in aan ku qanciyo madaxda
xisbiyada qaranka, in la isku maareeyo gurmadka abaarta, iyo qaybinta
kaadhadhka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyo qabsoomidda doorashada.”ayuu
yidhi Siilaanyo.
Madaxweynuhu wuxu sheegay in doorashada la qabto ay ka
hor yimaadeen labadda xisbi ee mucaarad, taasina ay keentay in dib u dhacdo
doorashaddu, waxaanu madaxweynuhu sheegay in labadda sabab u ahaayeen dib u
dhicii doorkan maadaama oo iyagu dalbadeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland