4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Askari dil iyo dhaawac ka geystay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe

 Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya halkaa ku dilay nin dhalinyaro, isaga oo sidoo kalana dhaawacay gabar la dhalatay marxuumka.

Goob joogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in wiilka dhalinyarada ah ee la dilay lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Muxumad.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amniga ay soo qabteen askariga ah ee dilka geystey.

Dilkan ayaa ka dhashay sida la sheegay muran la xiriira dhul leysku qabsaday, manaha wax ku cusub Soomaaliya khilaafaadka la xiriira dhulka oo mar marka qaar ka dhashay gacan ka hadal khasaare sababa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]