4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Falanqeyn : Maxey tahay cabashada xildhibaannada ee ka dhanka ah gollaha cusub ee wasiirada

 Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada cusub ee dhawaantan uu magacaabay ayaa durbaba wajahaya caqabad iyo culeys siyaasadeed oo uga imanaya xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta aan la horgeyn gollaha shacabka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo garwaaqsaday miisaanka xidhibaannada diidan habka saami-qeybsiga xubnaha cusub ee gollaha wasiirada ayaa qoraal uu u diray ra’iisal wasaare Kheyre ugu baaqay in uu dib u eegis ku sameeyo gollihiisa wasiirada ka hor inta aan la hor keenin baarlamaanka.

Dadka Falanqeeya arimaha siyaasada ayaa qaba in gadoodka ugu badan ee xildhibaannada uu ka imanayo dhinaca saami-qeybsiga beellaha oo siyaasiyinta qaar u arkaan in aan lagu saleyn habka awood qeybsiga 4.5ka oo mudo dheer soo tixnaa.

Xildhibaan Idiris Aadan Dhakhtar oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha looga fadhiyo in uu toosin uu ku sameeyo gollaha wasiirada ka hor inta aan la horgeenin baarlamaanka.

‘’Nuxurka toosinta waxaa uu noqonaya in xukuumadan ay baalmarsan tahay habkii awood qeybsiga 4.5 oo xukuumadii hore oo dhan ay ku saleysnaayeen, ayuu yiri Xildhbaan idiris Aadan Dhakhtar

Hoos marka aad u sii eegto doodda xildhibaannada waxaa kuu muuqanaya in ay siweyn u saluugsan yihiin in beelaha qaar la siiyo wasiiro dheeraad oo aan horay u soo marin xukuumadihii ka horeeyay, halka dhinaca kale laga yaabo in ay jiraan beello aan wax saami ah ku yeelan xukuumada.

Baarlamaanka oo laftirkiisa ku dhisan habka awood qeybsiga aan tastuurka ku saleysneyn ee 4.5 ayaa u muuqda mid ay ka dhax abuurmayaan isbaheysiyo iska soo horjeeda, madaama gollaha wasiirada cusub ee la soo dhisay ku jiraan tiro xildhibaanno ah oo u olaleynaya in xukuumada la meelmariyo.

Jahwareerkan siyaasadeed ee ka oogan baarlamaanka iyo xukuumada cusub ayaa imanaya xili dalka uu dibada uga maqan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu danbeyntii, lama oga go’aanka ra’iisal wasaaraha uu ka qaadanayo baaqa guddoonka baarlamaanka ee ah in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha cusub ee gollaha wasiirada, mana aha markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaare dib u eegis ku sameeyo gollihiisa wasiirada, madaama ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke tiro labo jeer uu dib ugu laabtay golle wasiiro uu soo dhisay kadib markii uu ka war helay guuxa xildhibaannada baarlamaankii markaas jiray oo siweyn u dhaliilay habka uu xukuumada u soo magacaabay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]