4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 26, 2017
Faafaahin: Laba Qarax oo maanta ka dhacay Muqdishu

 

Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Laba Qarax, ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Waaberi  iyo Dharkeynleey ee magaaladda Muqdishu, sida saraakiil iyo goob-joogayaal ay u sheegeen Hiiraan Online.

Qaraxii koowaad, waxaa uu ahaa gaari lagu xiray qarax oo ku qarxay nawaaxiga isgooyska dabka ee magaaladda Muqdishu, wax khasaara ahna kama dhalan.

“ Ninka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, ayaa arkay waxyaaba qarxa oo gaariga ku xiran, kadibna waxaa uu u yeeray ciidamada amniga, ka hor inta ciidanka ay imaan goobta gaariga uu yallay, ayuu qarxay gaariga”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay qof goob-jooga ah.

Masuuliyiinta degmadda Waaberi, ayaa cambaareyay falkaasi.

Dhinaca kale, Qarax ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan mudanayaashii Barlamaanka kasoo galay Degaanada Hirshabeelle.

Qaraxa gaariga ayaa waxaa uu ka dhacay, Degmada Dharkeynley gaar ahaan agagaarka Ajabka ee xaafada Dabakaayo Madow.

Nabadoonkii gaarigiisa loogu xiray qaraxa ayaa la sheegay in uu ka badbaaday weerarka.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Dharkeynley ayaa sheegay in Qaraxa uusan geysan khasaare, sidoo kalena ay wadaan baaritaano la xiriira Qaraxan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada labadii weerar ee maanta ka dhacay, degmooyinka Waaberi iyo Dharkeeynley.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia