4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Carruur ku dhimatay qarax ka dhacay deegaan hoostaga degmada Mandheera, Kenya

 Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Labo caruur ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen, saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay deegaan ku yaala xadka dowladda Kenya, gaar degmada Mandheera.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mandera oo lagu magacaabo David Mbeki ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen carruur ku cayaaraysay, islamarkaana uu ka dhacay Tuuladda Hareeralesa.

Sarkaalka ayaa intaa ku darray in ciidamada dowladda Kenya ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo ammaanka.

Ugu danbeyntii, waxaa uu sidoo kale tilmaamay in qaraxaasi la dhigay goob qashin qub ah oo ay carruurto ku cayaaraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]