4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Ra’iisal wasaaraha oo booqday bukaano ay ka mid yihiin Fanaanada Seynab baxsan iyo Abwaan Singub

 

Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa xalay Isbitaalo ay ku jireen ku booqday bukaano ay ka mid yihiin fananada Saynab Xaaji  Cali Baxsan, sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo  gadiidka badda ,  Abwaan   Maxamuud  Cabduulahi   Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid  Karazay  oo ka tirsan  Tvga  Universal  iyo hooyadda xildhibaan  Cabdifataax Geesay.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha  Xukumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ku wehliyay guddooomiyaha  Aqalka Sare  Cabdi Xaaji Cabdullahi , Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo  xubno ka tirsan  golaha wasiiradda  magacaban.

Fanaanada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji  Cali Baxsan oo ka mid ah fananinta hoboladda qaranka waabari  ayaa qaliin looga sameynayaa xameetidda, waxaana hadda ay ku jirtaa Isbitaalka Blue  Star ee magalaadda Muqdisho.

“Waxaan Alle uga rajeyneynaa in caafimaad tamaam ah uu siiyo dhamaan dadka xanuunsan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa  fanaanada Seynab Xaaji Cali Baxsan   iyo  Dhakhtarka qaliinka ku sameyey ka wareystay xaaladeeda Caafimaad, isagoo  xusay in ujeeda uu ugu yimid ay tahay in uu la qaybsato xanuunka maadama ay  tahay  fanaanad qaran oo dalkaan horumarkiis a qayb wayn ku leh , waxaa  uu u rajeeyey caafimaad deg  deg ah in alle siiyo.

Isbitaalada ay booqdeen madaxda ayaa waxaa ka mid ah Digfeer Hospita. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia