4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 26, 2017
Hay'adda HARO oo Raashin Qaybin iyo Biyo Dhaamin ka Sameysey Gobolada Bay, Bakool


Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) –Hay'adda Humanitarian African Relief ee HARO oo ka mid ah Hayadaha Samafalka ee ka Howl gala dalka  Soomaaliya  ayaa gargaar Raashin ah ka  qaybisey Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool  waxaana Raashinkaas la siiyey Qoysas ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Bakool iyadoo raashinkaas ka Faaiideystey Qoysas gaaraya 400 oo Qoys.

Mas’uuliyiinta Hay’adda HARO oo Goobta raashinka lagu qaybinayey ka hadley  ayaa sheegay in raashinkan uu qayb ka yahay Gurmadka loo fidinayo  dadka ay Abaarahu saameeyeen  ee  Gobolada Bay Bakool iyo Gedo.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka socday Maamulka  Koonfur Galbeed oo iyana ka hadley Goobta  ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan deeqdan raashinka ah lagu qaybiyey dadka ay Abaaruhiu saameeyeen sidoo kale Masuuliyiintaas  waxay u soo jeediyeen Hayadaha kale in ay ku dayadaan hayadda HARO.

eDhinaca kalE Hayadda HARO ayaa Biyo dhaamin ka sameysey Gobolka Bay gaar ahaan degmada Buur Hakaba iyo Tuulooyin hoos yimaada Degmada Baydhaba, sida Idlow, Caasho Gaabo, Tumaale, Haare, Abees Garwaale, Laan Buule, Makubo ADC, Daanyeereey iyo kuwa kale waxaaan Biya Dhaamintaa Kormeerayey Masuuliyiin ka tirsan Hayada HARO iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadkii loo qaybiyey Raashinkaas iyo kuwii Biya Dhaaminta ka Faaideysatey  ayaa u mahadceliyey  Hayada  HARO , sidoo kale waxay u Mahadcliyeen Jaaliyada  Seattle ee Washington  oo uu Hormuud ka ahaa  Masjidka Abuubakar Sadiiq  Islamic Center ee Seattle  iyo Jaaliyada Reer Santiago ee California  Masjidka Al Ansaar  iyo Al Huda slamic Center.

Ugu dambeyn, Abaarihii dhawaan ku dhuftay qaybo ka mid Soomaaliya, ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay Dadka iyo Duunyada iyadoona dad badan oo xoolo-dhaqato ahaa ay Magaalada ku soo yaaceen, ka dib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.

Mustaf Hussein
[email protected]

Mogadishu, Somalia