4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2017
Dowladda gobolleedka Hirshabeelle oo eedeyn u jeediyay Qaramada Midoobay

Axad, Maarso, 26, 2017 (HOL) – Xubno ka tirsan gollaha wasiirada dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maanta shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Beledweyne ayaa wax qabad la’aan ku eedeeyay Qaramada Midoobay, xili abaar adag ay ka jiraan sida ay hadalka u dhigeen deegaannada uu maamulka ka arimiyo.

Shirka jaraa’id oo wada jir ah u qabteen wasiirrada arimaha gudaha iyo warfaafinta maamulka gobolleedka Hirshabeelle Maxmed Cali Caadle, iyo Mahad Xassan Cismaan ayeey ku sheegeen xafiiska QM in uu ka gaabiyay howlihii loo idmaday, islamarkaana ay joojiyeen dhinacooda wada shaqeyntii ay la lahaayeen xafiiska QM.

“Sidda aad ka warqabtaan deegaannadda maamul gobolleedka Hirshabeelle waxaa ka jrta abaar adag oo dadka iyo duunyda saameysay, mana jirto wax ay u qabteen QM,waana ka fiirsan doonaa wadashaqeynta aan la leenahay haddii aysan isbedel sameyn.”ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan.

Ugu danbeyntii, shirkan jaraa’id ee xubnaha gollaha wasiirada ayaa imanaya xili maalintii shalay magaalada Beledweyne soo gaareen xubno ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha maamulka Cali C/llaahi Cosobole.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]