4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Rugta ganacsiga oo ka soo horjeesatay go’aankii lagu kala diray

Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL) – Shir jaraa'id oo goor dhaw magaalada Muqdisho uu ku qabtay Agaasimaha Rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore ayaa looga jawaabay Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya oo ahaa in la kala diray Rugta.

Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in arintan ay goor dhaw maqleen oo kaliya waxaana uu tilmaamay in haba yaraatee aysan jirin wax wargalin ah oo ay wasaaraddu la soo sameysay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Somalia.

“Rugta Ganacsiga Somalia waxaa ay ka mid tahay Bulshada rayidka, mana ahan hay’ad ay dowladda leedahay oo wixii ay dowladda rabto ay ka sameysan karto” ayuu yiri agaasimaha Rugta Ganacsiga  Cabdi Abshir Dhoore.

Waxaa uu sheegy in doorashadii rugta ganacsiga ay goob joog ahaayeen wasiiro ka tirsan Xukumadda oo uu ku jiray Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo warshadaha ee xukumadda Somalia, ra’isul wasaarahana uu aqoonsan yahay .

“Waxaa layaab nagu noqotay Rugtii Ganacsiga oo ay xukumaddii aqoonsaneyd in hadda uu Wasiirka Ganacsiga soo saaro Wareegto sheegeysa in aysan aqoon saneyn Rugta ,anagana waxaa qasab nagu noqtay in aan ka jawaabno Warkaas”ayuu yiri Agaasimaha.

Waxaa uu sheegay in rugta ganacsiga ay ku howlan tahay dhismooyinka wadooyin muhiim ah sidda waddo gasha Hobyo, midda aadaa Bari iyo Wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.

Shirka jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay warqad la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha oo lagu aqoonsaday Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]