4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Soomaaliland iyo Khaatumo oo heshiish toban qodob ka kooban soo saaray

 

Isniin, August, 28, 2017 (HOL)- Toban qodob ayaa lagu soo afjaray wada hadal muddo dheer u socday Somaliland iyo KHaatumo.

Qodobadan lagu soo afjaray wada hadalkaasi waxa goob joog ka ahaa hogaamiyaha KHaatumo Cali Khaliif Galaydh, halka Somaliland uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Sacad Cali Shire.

Qodobadda laga soo saaray soo afjaridda wada hadalkan mudadda dheer soo socday waxay u dhaceen sidan;

1. Waxaanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay dhibaataddu ka soo gaadhay isku dhacii dagaalka sababay ee dhexmaray labadda beelood ee walaaha ee wada dega Buuhoodle.

2.waxaanu bogaadin iyo hambalyo u dirayna odayaashii iyo waxgaradkii dhexgallay ku guuleeyey inay soo afjaraan shaqaaqadii halkaasi ka dhacday.

3. waxaanu isla garanay in meel looga soo wada jeesto xaalada cusub ee ka aloosan Buuhoodle.

4. in maamuladda Puntland iyo Muqdisho ay joojiyaan gardaradda qaawan ee ay ka wadaan deegaanada Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna Buuhoodle.

5. in Caalamku ogaado wixii dhibaato ah ee ka dhaca Buuhoodle ay ka masuulka yihiin labadda maamul ee Garoowe iyo Xamar.

6.siiba maamulka Puntland ha joojiyo dhibaatada uu ku hayo nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

7. in garaadada iyo cuqaashu wada jir uga hor tagaan wixii dhib iyo dhaawac nabadda iyo nolosha dadka gaadhsiinaya.

8. in aan Somaliland marnaba aqbali doonin meel ka mid ah lagu qabto shir lagu kala qaybinayo dadka iyo dalka Somaliland laguna burburinayo wada hadaladda Somaliland iyo Khaatumo.

9. waxaanu uga digaynaa shirkadaha iyo hay’adaha diyaaradaha inay fasax la’aan ka soo degaan garoomadda si loo sugo amaankoodda.

10. waxa la magacaabay guddi laba geesood ah oo tallo bixin ka soo jeedin doonna qabashadda shirweynaha loo dhan yahay.

Dhinaca kale, Kayse Cabdi Yuusuf oo khaatumo u qaabilsan wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso Somaliland loo wada dhan yahay,isla markaana shirweynaha dambe ee la iskugu iman doonno lagu gorfeyn doono Soomaaliland sidii loo wada yeelan lahaa oo la iskaga wada dhex muuqan lahaa.

“Waa shirkii la doonayey in wax kasta oo khilaafaad ah oo Somaliland ka dhex jira lagu soo afjari lahaa,nuxurkuna waxa weeyi waar KHaatumo calan gaar ah leh oo dawlad gaar ah haatan halkan lagu hayo, Somaliland sidan ku socon karta oo sidan Danni ugu jirta ma jirto sidee maamul wanaagsan oo loo wada dhan yahay u wada samaysannaa oo raali uga wada nahay u samaysannaa.”ayaa yidhi Kayse Cabdi Yuuusuf.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.