4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Oday 80 sano jir ah iyo Haweeneey 60 sano jir ah oo isku guursaday degmada Mandheera


Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL) –Mid kamid ah aroosyadii ugu xiisaha badnaa ayaa todobaadkan ka dhacay degmada Mandhera ee Waqooyi Bari Kenya ka dib markii oday 80 sano jir ah uu guursaday haweeney 60 sano jir ah ,iyada oo arooskan uu ahaa mid si weyn loo soo agaasimay.

C/laahi Ibraahim Roobow  oo ku magac dheer (Waay Waay) ayaa arooskan dhigtay si uu uga baxo iskaabulanimada oo dhibaatooyin badan uu kala kulmay sida uu ku sheegay waraysi  uu bixiyay maalin ka dib arooskiisa.

Waxa uu sheegay in laba caruur ah oo uu dhalay ay arooskan u dhigeen isaga iyo marwadiisa cusub , waxaana uu tilmaamay in xiligan la joogo uu dareemayo daganaansho iyo isbadal ku yimid noloshiisa.

"Arooska waxaa igu kalifay rafaadka iskaabulanimada , hadda gabar baari ah baan helay waana ku nastay , meesha barwaaqo iyo noolaansho baa ka dhacday " ayuu yiri Waay waay oo ka hadlayay wax ku  kalifay in xiligan uu guursado.

"Guurka qofka weyn ayaa ka wanaagsan kan gabadha dhalinyarada ah " ayuu yiri mar uu ka hadlayay farqiga u dhaxeeya guurka qofta dumarka ah ee weyn iyo gabadha yar , isaga oo tusaaloyin u soo qaatay sida ay hadda noloshiisa isku badashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Mandhera ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay guurkan ,iyadoo qaar kamid ah ay ku tilmaameen arin yaabkeeda leh halka kuwa kalena ay sheegeen in jacaylku uusan lahayn wax shuruudo ah.

Ugu danbayn , tani ayaa dhiira-galin u noqon doonta dad badan oo aaminsanaa in da'du ay caqabad ku tahay guurkooda ,waxaana sida la ogsoon-yahay la sheegaa in Jacaylku uu ka madax banaan yahay da'da. 


Faysal M. Hassan
[email protected]