4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Shir looga hadlayo arimaha qaxootiga oo ka furmay magaalada Muqdisho Sawirro


Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL)- Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo xal u helida Qaxootiga Soomaaliyeed ee soo laabanaya iyo xaalada dadka ku barakacay gudaha dalka.

Shirkaan oo la filayo in uu socdo mudo Saddex cisho ah, waxaana ka qeyb galaya wakiilo ka socda maamulada dalka ka jira iyo hay’addaha Qaramada Midoobey.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda QM  u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,waxaana fulineysa wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib- u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya.

Sanadkii 2014-kii dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda, ayagoo aan la qasbayn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]