4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Wasaarada waxbarashada oo dib u eegis ku sameyneysa tayada waxbarasho ee Jaamacadaha Soomaaliya

 

Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL)- Wasiirka wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho oo kaliya ay ku yaalaan tiro ka badan 50 Jaamacadood oo laga yaabo in maalin walba tirada intaa ka sii badato, kuna soo biiraan Jaaamacado kale oo cusub.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah Jaamacadahan aysan gaarsiisneyn heerkii looga baahnaa Jaamacad in ay gaarto, sidaa daraadeed muhiim tahay in dib -u-eegis lagu sameeyo tayada waxbarashada ay bixiyaan.

‘’Xamar oo kaliya waxaa ku yaala Dhowr iyo Konton Jaamacadood, kuwaa oo sida dadka qaar ay inoo sheegeen in aan laheyn tayadii looga baahnaa Jaamacada, waana tan keentay in aynu dajino siyaasad dib loogu eegayo tayada waxbarashada’’ ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in mar horeba la mariyay gollaha wasiirada sharcigii waxbarashada dalka oo sugaya oo kaliya in uu baarlamaanku ansixiyo, kaasoo wax weyn ka tari doona sida uu hadalka u dhigay tayeeynta hanaanka waxbarasho ee dalka.

‘’Waxaan rabnaa in aan sameyno hannaan ama heer caalami ah oo looga baahan doono Jaamacaduhu in ay soo maraan si ay aqoonsi u helaan, hannaankaas oo waliba noqon doona kan ugu yar oo looga baahan doono Jaamcaduhu in ay soo buuxiyaan sharuudaha, Jaamacadii aan sharuudahaa ka soo bixin lama aqoonsan doono Ardeyga ka soo baxana waa sidoo kale’’ ayuu wasiirka waxbarashada.

Tan iyo burburkii dalka wixii ka dambeeyay waxaa dalka Soomaaliya ku soo badanayay Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ay wax ka bartaan kumaan Arday Soomaaliyeed kuwo kalena ay horay uga baxeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]