4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Dalka Kenya oo maanta ay ka dhaqan-gashay mamnuucida bacaha wax lagu gato

 
Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL) –Wixii maanta ka dambeeya dalka Kenya lagama isticmaali doono bacaha alaabada lagu qaato, sida dowladda ay sheegtay.

“Laga billaabo Isniintan maanta ah qofkii lagu helaa isaga oo iibinaya baco, soo saaraya ama wataba wuxuu mutaysan karaa ganaax lacageed oo dhan 38,000 oo doolar ama xabsi ilaa afar sano ah”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Dawladdu waxay sheegtay in mamnuucitaankani uu gacan ka gaysan doono ilaalinta deegaanka balse, shirkadaha soo saara bacaha ayaa sheegay in mamnuucitaankani uu shaqo la'aan dhigi doono 80,000 oo ruux.

Maxkamadda ayaa Jimcihii diiday in ay hor istaagto mamnuucitaankan. Waxaa la qiyaasay in dadka Kenyanka ah ay bil kaste adeegsadaan 24 milyan oo bacood.

Dhinaca maamulka magaalladda Mandhera ayaa sheegay, maadaama gobolka uu xuduud la leeyahay Doolow-Soomaaliya, in ciidamo xoog badan la dhigi doono xuduuda si ay Soomaalidda ka imaaneysa dalka Soomaaliya loogu sheego in bacaha laga mamnuucay dalka Kenya.

Dhinaca digniinta dowladda ayaa si adag waxaa loo duldhiga dadka u soo safraya Kenya ee alaabada baco ku wata, waxaana dowladda ay sheegtay in dadkaasi looga baahan yahay in ay bacahaas kaga dhex tagaan garoommada oo aysan la galin gudaha dalka.

Dhinaca kale dhammaan warbaahinta dalka Kenya, ayaa saaka hadal haya shuruucda cusub ee dalkaasi ka hirgashay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay soconayay Olole xooggan oo dadka lagu wacyi-gelinayo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia