4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo la kala diray iyo wasaarada ganacsiga oo ku baaqday doorasho

Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarada ganaciga iyo warshadaha Khadra Axmed Ducaale ayaa maanta sheegtay in gabi ahaanba la baabi’iyay Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kalana ku baaqday.

Amarka lagu baabi’iyay rugta ganacsiga ayaa lagu wargaliyay dhamaan madaxda dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo ganacsatada dalka.

Wasaarada ayaa sheegtay in iyada oo  lagu dhaqmayo xeerka ganacsiga ee 1985tii la isugu yeero dhamaan rugaha ganacsiga Soomaaliyeed.

Waayadii ugu danbeeyayba waxaa  jiray kala qeybsanaan rugta dhaxdeeda ah,  waxaana qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir ay ku eedeeyeen rugta ku takri fal awoodeed. 

Akhriso qoraalka wasiirka ay soo saartay :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]