4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Guddiga dowladda u saartay dhacdadii Bariire oo loo qabtay mudo Shan cisho ah

 

Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddigii loo xilsaaray dhacdadii Bariire looga baahanyaha in muddo 5 maalmood gudahooda ah ay warbixin kaga keenaan dhacdadaasi.

“Guddiga uu guddoomiyaha u yahay wasiirka amniga waxaa looga fadhiyaa muddo Shan cisho ah ay jawaaab uga keenaan dhacdada ka dhacday deegaanka Bariire “ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa tacsi diray ehelada dadkii ku wax yeeloobay howlgalka, isaga oo intaa ku darray in dowladda ay ka xuntahay waxii ka dhacay Bariire islamarkaana ay ka go’an tahay sidii warbixin cad ah ay ugu keeni laheyd goobta uu falka ka dhacay..

“Dowladdu way ka xun tahay wixii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose wayna baareysaa dhacdadaasi, waxaana tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabadii dadkooda wax yeelada ka soo gaartay halkaasi”ayuu ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga Amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore siyaabo kala duwan uga hadashay falka lagu dilay dadka rayidka, hasse ahatee war markii danbe ka soo baxay ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu xasuuqay dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]